Somaliland oo sheegtay in ay diyaar u tahay in ay saldhiyo ciidan siiso Israa’iil iyo Maraykanka

0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in aanu weli jirin joogitaan ciidan oo Israa’iil ama Maraykanku ku leeyihiin Somaliland, balse ay xukuumaddiisu diyaar u tahay inay labada dal saldhigyo ka siiso magaalada Berbera haddii ay danaynayaan.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska The Economist, Madaxweyne Cirro ayaa beeniyay wararka sheegaya in Israa’iil ama Maraykanku ay hadda saldhigyo ama joogitaan ciidan ku leeyihiin Somaliland.

“Ilaa hadda ma jiro joogitaan ciidan oo Israa’iil ama Maraykanku ku leeyihiin Somaliland,” ayuu yidhi Cirro, sida ay The Economist soo xigatay.

Wargeysku wuxuu sheegay in Imaaraadka Carabtu uu saldhig kale ku leeyahay dekedda Boosaaso ee Puntland, halkaas oo ay sidoo kale jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Israa’iil ay ku dhex leedahay joogitaan.

Cirro ayaa sheegay in haddii Israa’iil iyo Maraykanku ay danaynayaan, Somaliland ay diyaar u tahay inay saldhigyo uga samayso Berbera, xilli ay sii xoogaysanayso tartanka quwadaha gobolka iyo kuwa caalamka ee ku saabsan goobaha istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay inuu bisha soo socota booqan doono Washington, isaga oo rajaynaya inuu kulan fool-ka-fool ah la yeesho Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Haddii kulankaasi dhaco, wuxuu noqon lahaa markii ugu horreysay ee madaxweyne Somaliland ah uu si toos ah ula kulmo madaxweyne Maraykan ah.

Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay filayso in Maraykanku mustaqbalka aqoonsado, isaga oo intaa ku daray in xukuumaddiisu rajaynayso in ugu yaraan hal waddan oo kale uu Somaliland aqoonsado ka hor dhammaadka sannadkan.