Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM oo halis ugu jira inay ka baxaan saldhigyada fogfog

2

Saraakiil iyo diblomaasiyiin reer Galbeed ah ayaa ka digaya in haddii aan la helin ilo dhaqaale oo kale, ciidamada Midowga Afrika ay ku adkaan karto inay sii joogaan saldhigyada fogfog ee Soomaaliya, taas oo Al-Shabaab siin karta fursad ay ku kordhiso weerarradeeda.

Digniintan ayaa timid xilli Mareykanku uu qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, UNSOS, kaas oo ciidamada siiya shidaal, raashin, biyo, gaadiid, adeegyo caafimaad iyo taageero kale oo muhiim u ah howlgalladooda.

Ciidamada Midowga Afrika ee ku howlgala AUSSOM ayaa door muhiim ah ka qaata taageerada ciidamada Soomaaliya iyo haynta deegaannada laga saaro Al-Shabaab. Hase yeeshee, khubaro ayaa sheegaya in ciidamada Soomaaliya aysan weli awood buuxda u lahayn inay si madax-bannaan u qaadaan hawlgallo ballaaran oo ay sidoo kale muddo dheer ku hayaan dhulka ay dib uga qabsadaan kooxda.

Warbixin laga qoray xaaladda ayaa sheegaysa in Al-Shabaab ay horey uga faa’iidaysatay meelaha ay ciidamada Midowga Afrika ka baxeen, iyadoo mararka qaar dib ula wareegtay deegaanno ay ciidamada dowladda iyo kuwa taageerayaashoodu horay uga saareen.

Saraakiil Soomaali ah iyo kuwo reer Galbeed ah ayaa sidaas darteed ka digaya in hoos u dhac ku yimaada taageerada saadka uu wiiqi karo awoodda AUSSOM ee ah inay ciidamada ku sii hayso goobaha fogfog, taasoo abuuri karta firaaq amni oo ay Al-Shabaab ka faa’iidaysato.

UNSOS ayaa hadda taageerta ku dhowaad 12,000 oo ka tirsan ciidamada howlgalka, waxaana adeegyada ay bixiso ay qayb muhiim ah ka yihiin awoodda ciidamada Midowga Afrika ay ugu shaqeeyaan deegaannada ay ku sugan yihiin.

Haddii aan la helin maalgelin beddel ah ka hor inta uusan dhaqan gelin go’aanka Mareykanka, khubarada ayaa ka digaya in howlgalka uu wajihi karo hoos u dhac weyn, xilli dagaalka Al-Shabaab uu weli ka socdo qaybo badan oo Soomaaliya ah.

Arrintan ayaa sidoo kale walaac ka dhalisay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ahaa in si tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo qorshaha AUSSOM uu ahaa in ciidamada Soomaaliya ay ugu dambeyn si buuxda ula wareegaan amniga dalka.

Maalgelin la’aanta howlgalka ayaa sidaas darteed noqon karta caqabad weyn oo ku timaadda kala-guurka amni ee Soomaaliya, iyadoo Midowga Afrika iyo dalalka taageera Soomaaliya ay raadinayaan hab lagu sii wadi karo howlgalka iyo in laga fogaado bixitaan degdeg ah oo sababi kara firaaq amni.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta AUSSOM ay ka baneeyeen degmada Buurxakaba ee gobolka Baay, halkaas oo haatan cabsi laga qabo in ay Alshabaab dib ula wareegaan. Dadka ku nool Buurxakaba ayaa walaac weynka muujiyeen bixitaanka ciidamada Itoobiya.