Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho, iyagoo looga hadlay arrimo la xiriira dhaqaalaha, amniga iyo difaaca dalka.
Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale warbixin ka dhagaystay Wasaaradda Maaliyadda oo ku saabsan xisaab-xirka sanadlaha ah ee 2025, kobaca dhaqaalaha, canshuuraha gudaha iyo dib-u-habeynta nidaamka maaliyadeed ee dowladda.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay 3.1 boqolkiiba, iyadoo kobacaas lagu cabbiray wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP).
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa, kaddib warbixinta, carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya gaarto isku-filnaansho dhaqaale, iyadoo si wanaagsan looga faa’iideysanayo wax-soo-saarka gudaha iyo kheyraadka dalka.
Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la kordhiyo dakhliga gudaha, la dhiirrigeliyo maalgashiga, lana xoojiyo daahfurnaanta, isla-xisaabtanka maaliyadeed iyo ilaalinta hantida qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda Maaliyadda ku ammaanay natiijada qiimeyn uu sameeyay Xafiiska Hanti-dhowrka Guud, oo markii ugu horreysay maamulka maaliyadda dowladda ku qiimeeyay heerka loo yaqaan “Aragti Nadiif ah”, oo lagu tilmaamay heerka ugu sarreeya ee muujinaya hufnaanta maamulka maaliyadeed.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu si weyn uga soo kabanayo xaaladihii adkaa ee hore, isagoo rajo ka muujiyay in dalka uu mustaqbalka gaari doono isku-filnaansho dhaqaale oo yareynaya ku-tiirsanaanta kaalmooyinka shisheeye.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in horumarkaasi uu qayb ka yahay adkeysiga iyo dadaalka shacabka Soomaaliyeed.











