Ciidan iyo saraakiil hore uga tirsanaa Somaliland ayaa la sheegay inay ku biireen Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Yube ee gobolka Sanaag.
Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gobolka ka wada hannaan xog-ururin iyo sameynta Database lagu diiwaangelinayo ciidamada deegaanka, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu habeynayo iyo lagu mideynayo ciidamada ku sugan deegaannadaas.
Ku biirista ciidamada iyo saraakiisha Somaliland ee dhinaca Maamulka Waqooyi Bari, gaar ahaan deegaanka istaraatiijiga ah ee Yube, ayaa loo arki karaa arrin saameyn ku yeelan karta loollanka siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka Sanaag.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay weli taagan yihiin xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira deegaannada Sanaag iyo Sool, iyadoo Dowladda Federaalka ay dadaal ugu jirto xoojinta maamulka iyo hay’adaha dowladda ee Waqooyi Bari.











