Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Gaalkacyo, iyadoo ammaanka magaalada la adkeeyay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, xilli si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada iyo waddooyinka uu marayo wafdiga madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa saaka gaaray Galinsoor, kaddib markii uu kasoo baxay degmada Cadaado, isagoo qeyb ka ah socdaal dhulka ah oo uu ku marayo deegaanno ka tirsan bartamaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarka waxaa ku wehliya Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, saraakiil ciidan oo sare, wasiirro ka tirsan dowladda federaalka iyo mas’uuliyiin kale.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay gudaha Gaalkacyo iyo duleedkeeda, iyadoo la sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha muhiimka ah iyo waddooyinka laga filayo inuu maro wafdiga madaxweynaha. Qeybo ka mid ah magaalada ayaa sidoo kale lagu arkay sawirrada madaxweynaha iyo fariimo lagu soo dhaweynayo.

Booqashada Xasan Sheekh ee Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaysa xilli ay jiraan xasaasiyado siyaasadeed iyo amni oo la xiriira socdaalkiisa, gaar ahaan maadaama magaalada Gaalkacyo ay u qaybsan tahay laba maamul: qaybta koonfureed oo hoos tagta Galmudug iyo qaybta waqooyi oo maamusho Puntland.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka ee lagu xoojinayo hay’adaha amniga, laguna xoojinayo xiriirka dowladda dhexe iyo bulshada ku nool deegaannada bartamaha dalka.