Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaluya ayaa sheegtay inay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen magaalada Baydhabo lagu dilay ku dhowaad 30 dagaalame oo ka tirsan kooxda Alshabaab.
Wasaaradda aya sheegtay in ciidamada dowladda ay si degdeg ah uga hortageen weerarkaas, isla markaana ay fashiliyeen qorshihii kooxda, iyagoo ka hortagay inay qalqal geliyaan amniga iyo xasilloonida magaalada.
Intii uu socday iska horimaadka, wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay in ciidamada Xoogga Dalka ay dileen ku dhowaad 30 ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, halka qaar kale ay dhaawacmeen. Sidoo kale waxay sheegtay in gacanta lagu dhigay hub iyo agab ciidan.
Waxay sheegtay in ciidamada dowladda ay weli wadaan hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Baydhabo, isla markaana ay baacsanayaan xubnaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah magaalada.
Warkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo saraakiil ka amarqaata madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ay sheegteen inay ka dambeeyeen weerarka saakay lagu soo qaaday magaalada Baydhabo, iyagoo sheegay in ay la wareegeen gacanta ku haynta qeybo kamid ah magaalada Baydhabo.
Afhayeenkii hore ee Koonfur Galbeed Ugaas Xasan oo ka soo muuqday warbaahinta isagoo ku sugan gudaha magaalada Baydhabo ayaa ugu baaqayay ciidamada Dowladda Federaalka in ay si degdeg ah isku dhiibaan gacanta ciidankooda.












