Gen. Jimcaale Jaamac Takar, oo hoggaamiya ciidamada Danab ee ku sugan xerada Ligle ee magaalada Garoowe, ayaa ugu dambayn aqbalay inuu dib ugu soo laabto ciidamada Difaaca Puntland, kadib wadahadallo muddo socday oo dhexmaray dhinacyada.
Gen. Jimcaale ayaa la sheegay inuu ka tanaasulay go’aankii uu ugu biiray dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ciidamada Danab ee uu hoggaamiyo ay muddo ku dhow sanad mushaar ka qaadanayeen dowladda Federaalka.
Heshiiskan ayaa yimid kadib wadahadallo socday muddo ku dhow bil iyo 15 maalmood, kuwaas oo ay dhex-dhexaadinayeen qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal.
Guddiga dhexdhexaadinta waxaa guddoominayey Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, iyadoo kulankii lagu soo xirayey wadahadallada uu ka dhacay hoyga uu Senator Faroole ku leeyahay magaalada Garoowe.
Heshiiskan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu soo afjarayo khilaafkii u dhexeeyay Gen. Jimcaale Takar iyo Puntland, iyadoo sidoo kale meesha ka saaraya joogitaanka ciidamada dowladda Federaalka ee muddo ku dhow sanad ku sugnaa xerada Ligle.
Tallaabadan ayaa sidoo kale Puntland u horseedaysa in ay dib ula wareegto ciidamo kale oo hore ugu biiray dowladda Federaalka, xilli khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda dhexe uu weli ka taagan yahay arrimo la xiriira amniga, siyaasadda iyo maamulka ciidamada.











