Puntland ayaa madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku eedeysay inuu wado abaabul ay sheegtay in lagu abuurayo colaad iyo qalalaase amni oo ka dhan ah Puntland.
Puntland ayaa sheegtay in safarka madaxweyne Xasan Sheikh uu yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay ku nool yihiin bulshooyinka labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.
Puntland waxay uga mahadcelisay maamulka iyo shacabka Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo, doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda, waxayna ugu baaqday inay ka hortagaan waxa ay ku tilmaantay “isku dayada cusub” ee Xasan Sheekh.
Puntland ayaa sidoo kale sheegtay inay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda difaaca, iyadoo shacabka Puntland lagu wargeliyay in la qaadi doono tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xoojinayo amniga guud ahaan Puntland, gaar ahaan Gaalkacyo iyo deegaanada hoos yimaada.
War-saxaafadeedka ayaa intaa ku daray in Puntland ay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku wargelinayso inuu qaadi doono mas’uuliyadda wax kasta oo ka dhasha “fidmada iyo colaadda” ay sheegtay inuu ka abaabulayo Puntland.
Bayaan-kan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay sii xoogeysanayaan.
Dhawaan, Puntland ayaa bilowday guluf dagaal oo ay kusoo afjarayso ciidamada dowladda Federaalka ka qoratay gudaha degaanada Puntland, kuwaas oo intooda badan hubkooda iyo ciidankood ku wareejiyay Puntland.












