SoDMA iyo UK oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Diyaar-garowga Soomaaliya ee Musiibooyinka

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK), Chris Pycroft.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada iyo saadaasha El Niño, iyo sidii loo xoojin lahaa diyaar-garowga iyo awoodda Soomaaliya ee ka jawaabista musiibooyinka.

Agaasimaha Horumarinta UK, Chris Pycroft, ayaa xaqiijiyay in Boqortooyada Midowday ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya iyo bulshada nugul, gaar ahaan xilliyada ay dalka soo wajahaan xaalado bani’aadannimo iyo khataro la xiriira isbeddelka cimilada.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo UK ee dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, u-diyaargarowga musiibooyinka iyo yareynta saameynta khataraha cimilada.