Xildhibaanno ka tirsan mucaaradka ayaa sheegay inay si adag uga soo horjeedaan doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xilli ay dood ka taagan tahay muddo-xileedka baarlamaanka.
Xildhibaannada mucaaradka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan habka loo wajahayo doorashada guddoonka Golaha Shacabka, iyagoo ku eedeeyay dowladda inay doonayso inay doorashada u adeegsato dano siyaasadeed.
Xildhibaan Gama’diid oo ka mid ah xildhibaannada mucaaradka ayaa sheegay in ay soo saari doonaan go’aanno ay kaga hortagayaan waxa uu ku tilmaamay damaca Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.











