Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyaan midnimada iyo nabadda, isla markaana ay ku faro-adaygaan ictiraafka Israa’iil, kadib markii ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in aqoonsiga ay Somaliland heshay uu yahay mid muddo 35 sano ah la raadinayay, isla markaana loo baahanyahay in la kasbado aqoonsiyo dheeraad ah. Waxa uu xusay in guusha la gaadhay ay u baahan tahay dulqaad iyo dadaal joogto ah.
“Aqoonsiga waxa aynu raadinaynay 35 sanno, maanta waynu helnay, laakiin waxa aynu u baahanahay in aynu adkaysanno, inta inaga maqanna aynu doonno. Waxa aynu ku dooni karnaa innaga oo gacmaha is qabsanna, guddo iyo dibad, midnimo ayaynu ku dooni karnaa, nabadda oo aynu ilaalinno ayaynu ku dooni karnaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa kale oo uu Madaxweynaha carrabka ku adkeeyay in kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed aanu caqabad ku ahayn himilada aqoonsiga, isaga oo sheegay in xisbiyadu ku kala duwanaan karaan siyaasadda, balse midnimada iyo ictiraafku ay yihiin arrimo ay wadaagaan dhammaan shacabka Somaliland.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli Somaliland ay xoojinayso dadaallada diblomaasiyadeed ee ay ku doonayso inay ku qanciso dalal kale inay raacaan tallaabada ay Israa’iil qaaday, si ay u balaadhato tirada waddamada aqoonsan.
Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in dowladaha Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta ay si firfircoon uga shaqaynayaan sidii waddamo kale ugu biiri lahaayeen aqoonsiga Somaliland. Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay arrintaas olole diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in taageero caalami ah loogu raadiyo Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa hadalkiisa kusoo gunaanaday baaq ku wajahan shacabka Somaliland, isaga oo ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan ilaalinta nabadda, xoojinta wadajirka bulshada iyo ilaalinta sumcadda Somaliland, si ay u taageeraan dadaallada lagu gaadhayo aqoonsi caalami ah oo ballaadhan.











