Askar ka tirsan Puntland oo ku geeriyooday qarax ka dhacay G/Bari

4

Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax miino oo culus uu maanta ka dhacay tuulada Sheebaab ee hoos tagta degmada Qandala, kaas oo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo.

Sida wararku tilmaamayaan, in ka badan 10 askari ayaa ku dhintay qaraxa, iyadoo la sheegay in uusan jirin qof ka badbaaday ciidamadii saarnaa gaariga uu qaraxu haleelay.

Guddoomiyaha Degmada Qandala, Axmed Yuusuf Khuurshe, oo la hadlay warbaahinta gudaha ee Puntland, ayaa xaqiijiyay in qaraxu sababay khasaaraha culus, isagoo sheegay in dhammaan ciidamadii saarnaa gaariga ay ku geeriyoodeen.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana la filayaa in maamulka Puntland uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo dhacdadan saacadaha soo socda.