Puntland iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis lagu ballaarinayo iskaashiga dhinaca amniga, kaas oo u oggolaanaya Mareykanka inuu ballaariyo saldhiggiisa magaalada Boosaaso si loo xoojiyo hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Heshiiska ayaa lagu saxiixay intii uu magaalada Boosaaso ka socday kulan u dhexeeyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi ka socday Mareykanka oo uu hoggaaminayay taliyaha hawlgallada gaarka ah ee AFRICOM, Major General Claude Tudor. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiirro, saraakiil ciidan iyo la-taliyeyaal ka tirsan dowladda Puntland.
Puntland ayaa sheegtay in heshiiska cusub uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga ay la leedahay Mareykanka, iyadoo sidoo kale ku celisay inay ka go’an tahay la dagaallanka waxa ay ku tilmaantay argagixisada iyo khatar kasta oo wax u dhimi karta amniga, xasilloonida iyo horumarka Puntland, Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Mareykanka ayaa sanadkan iyo sanadkii ka horreeyay fuliyay duqeymo badan oo ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, isagoo taageero militari siiyay ciidamada Puntland intii ay wadeen hawlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish.
Taageerada Mareykanka ayaa inta badan isugu jirtay duqeymo cirka ah, xog sirdoon iyo gaarsiinta saadadka ciidamada, iyadoo hawlgalladu ka dhaceen dhul buuraley ah oo ay Daacish saldhigyo ku lahayd.
Ciidamada Puntland ayaa sanadkan ku dhawaaqay inay dib ula wareegeen deegaanno badan oo ay kooxda Daacish ka talinaysay, kaddib hawlgallo socday dhowr bilood oo ay taageero ka heleen Mareykanka iyo saaxiibbo kale oo caalami ah.











