Golaha Mustaqbalka oo beeniyay in ay dalbadeen in Soomaaliya dib loogu celiyo ku-meel-gaar

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa sheegay in warqad ay dhawaan u direen beesha caalamka aan loogu talagelin in dalka dib loogu celiyo marxalad ku-meel-gaar ah, balse ay ahayd soo jeedin siyaasadeed oo lagu maareynayo xaaladda ka dhalatay muranka doorashooyinka iyo dhammaadka muddo-xileedka dowladda.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in soo jeedintoodu ahayd in la dhiso gole ku-meel-gaar ah oo maamula arrimaha doorashada iyo marxaladda kala-guurka, haddii aan la helin xukuumad xil-gaarsiin ah. Wuxuu ku dooday in farriinta ugu weyn ee ay u direen beesha caalamka ay ahayd in xalka Soomaaliya uu yahay mid siyaasadeed, halkii laga eegi lahaa oo keliya dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo taageerada ciidamada.

“Farriintayadu waxay ahayd in dhibaatada Soomaaliya ay tahay mid siyaasadeed, xalkeeduna uu yahay siyaasad, ee aan lagu xallin karin oo keliya ciidan iyo dhaqaale.” Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Dastuurka Kumeel-gaarka ah uu dhigayo in marka muddo-xileedka dowladda dhammaado ay xukuumaddu isu beddesho xukuumad xil-gaarsiin ah, balse wuxuu ku eedeeyay dowladda hadda jirta inay diiday inay qaadato doorkaas.

Sida uu sheegay, golaha ay soo jeediyeen wuxuu qaban lahaa shaqooyinkii laga filayay xukuumad xil-gaarsiin ah, sida kormeerka doorashooyinka, ka qaybqaadashada heshiisyada siyaasadeed iyo hubinta dhexdhexaadnimada hay’adaha amniga inta lagu jiro doorashada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda uu muddo-xileedkeedu dhammaaday ay wiiqeyso sharciyadda hay’adaha dalka, isagoo xusay in beesha caalamka ay muhiimad siiso jiritaanka dowlad sharciyad leh marka ay timaaddo iskaashiga siyaasadeed, amni iyo dhaqaalaha.

Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda inay muujiyaan masuuliyad siyaasadeed oo ay ka fogaadaan waxa uu ku tilmaamay “siyaasadda qamaarka”, isagoo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay wada-hadal iyo xal siyaasadeed oo ku saleysan xaqiiqada jirta, si looga gudbo ismariwaaga doorashooyinka.