MW Xasan Sheekh oo ku Wajahan Furimaha Dagaalka ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, la filayo inuu maalmaha soo socda booqasho ku tago furimaha hore ee dagaalka ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyadoo booqashadiisu qeyb ka tahay dadaallada lagu dardargelinayo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in magaalada xeebta ah ee Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay gaareen cutubyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaas oo qeyb ka ah diyaarinta safarka madaxweynaha iyo adkeynta amniga magaalada.

Cadale waxaa sidoo kale dhowaan shir ku yeeshay saraakiisha sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka wada hadlay qorshaha sugidda amniga iyo gulufka ciidan ee lagu wajahayo Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sidoo kale booqan doono magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kula kulmi doono saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiinta ku sugan furimaha dagaalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay dib u xoojiso howlgalka militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo deegaannada Hirshabeelle ay ka socdaan abaabul ciidan iyo gulufyo ka dhan ah fariisimaha kooxda.

Howlgallada ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ee lagu kordhinayo cadaadiska militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin jadwalka safarka Madaxweynaha.