SoDMA oo bahda caafimaadka kala tashatay u-diyaargarowga fatahaadaha la xiriira Super El Niño

0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jirta hay’adaha caafimaadka dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, si loo xoojiyo u-diyaargarowga saameynta caafimaad ee ka dhalan karta fatahaadaha la saadaaliyay inay ku dhuftaan qaybo ka mid ah dalka, kuwaas oo la xiriira ifafaalaha Super El Niño.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga hay’adaha caafimaadka iyo dejinta hannaan mideysan oo lagu gaarsiinayo gurmad caafimaad oo degdeg ah deegaannada la filayo inay fatahaaduhu saameeyaan, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadinta nolosha shacabka iyo ka hortagga faafitaanka cudurrada ka dhasha fatahaadaha.

Madaxa Mashaariicda Hay’adda SoDMA, Dr. Ismaaciil Jimcaale, ayaa sheegay in kulankan uu muhiim u yahay xoojinta isku-duwidda bahda caafimaadka iyo u-diyaargarowga wax ka qabashada saameynta caafimaad ee ka dhalan karta fatahaadaha la saadaaliyay, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda qorshe mideysan oo degdeg loogu jawaabo xaaladaha adag.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galay kulanka ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta kaydka agabka caafimaadka, diyaarinta kooxaha gurmadka, iyo sare u qaadidda wacyigelinta bulshada si loo yareeyo saameynta fatahaadaha iyo cudurrada ka dhasha.

Kulankan ayaa qeyb ka ah shirar iyo kulammo xiriir ah oo ay SoDMA dardargelinayso si kor loogu qaado u-diyaargarowga iyo ka hortagga saameynta Super El Niño, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta samafalka.

Hay’addu waxay hore uga digtay in isbeddelka cimiladu kordhiyay khatarta fatahaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah, waxayna ku baaqday in la qaato tallaabooyin hore oo looga gaashaamanayo dhibaatooyinka soo noqnoqday ee sanadihii la soo dhaafay.