Dab xooggan ayaa maanta oo Talaado ah ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, oo ah xarunta ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya, iyadoo qiiq madow oo aad u weyn laga arkayay qaybo badan oo caasimadda ah.
Kooxaha Dab-demiska iyo Gurmadka Degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, iyagoo ku guuleystay inay damiyaan dabka kaddib howlgal socday muddo saacado ah, taasoo ka hortagtay inuu ku fido qeybaha kale ee suuqa.
Bakaaraha waxaa ku yaalla boqolaal xarumo ganacsi oo kala duwan, waxaana dabkan uu cabsi weyn ku abuuray ganacsatada iyo shacabka ku sugan deegaanka, si gaar dabkaan waxa uu sameeyay qeybaha Elektarooniga lagu iibiyo.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in mas’uuliyiintu bilaabeen baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay dabka, iyadoo sidoo kale la qiimeynayo baaxadda khasaaraha ka dhashay.
Ilaa iyo hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee dabka dhalisay, mana jiraan warar rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha nafeed.
Mid ka mid ah ganacsatada hantidooda ku waayay dabka ayaa sheegay in wixii uu soo uruurinayay muddo 16 sano ah ay hal mar ku basbeeleen dabkii saakay ka kacay Suuqa Bakaaraha.
Suuqa Bakaaraha ayaa hore dhowr jeer u wajahday dabab sababay khasaare ballaaran oo soo gaaray ganacsatada, waxaana dhacdadan cusub ay mar kale soo nooleysay walaaca la xiriira badqabka dabka iyo diyaar-garowga gurmadka degdegga ah ee xarumaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho.











