Xuutiyiinta Yemen oo u hanjabay Sacuudiga iyo labada dhinac oo xiisadoodu xoogeysatay

0

Kooxda fallaagada Xuuthiyiinta ee Yemen ayaa uga digtay Sacuudi Carabiya inay beegsan doonto xarumaha shidaalka iyo goobaha kale ee muhiimka ah haddii dagaalka u dhexeeya labada dhinac uu sii xoogeysto.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta, Cabdulmaalik Al-Xuuthi, ayaa sheegay in haddii Sacuudi Carabiya ay bilowdo weerar ballaaran oo ka dhan ah Yemen isla markaana ay sii huriso colaadda, xarumaha shidaalka iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee dalkaas ay noqon doonaan bartilmaameedka gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuuthiyiinta.

“Wixii hadda ka dambeeya haddii Sacuudi Carabiya ay weerar weyn ku qaaddo dalkeenna oo ay sii huriso xiisadda, dhammaan xarumaheeda shidaalka iyo goobaha muhiimka ah waxay noqon doonaan bartilmaameedka gantaalladayada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,” ayuu yiri.

Xuuthiyiintu waxay ku eedeeyeen Sacuudi Carabiya inay Isniintii weerartay Garoonka Diyaaradaha ee Sanca, iyagoo sheegay in tallaabadaas ay jawaab u ahayd weerar lagu beegsaday garoon diyaaradeed oo ku yaalla Sacuudi Carabiya.

Weerarrada labada dhinac ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu waaweynaa tan iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaaray sannadkii 2022.

Sida ay sheegtay AFP, Cabdulmaalik Al-Xuuthi ayaa sidoo kale ku hanjabay in la beegsan doono Garoonka Diyaaradaha ee Riyadh haddii weerarro kale lagu qaado Garoonka Diyaaradaha ee Sanca.

“Mabda’ayagu waa sidan: haddii garoonka diyaaradaha la weeraro, annaguna waxaan weerari doonnaa garoon diyaaradeed; haddii dekedda la beegsado, annaguna dekedda ayaan beegsan doonnaa. Sidoo kale, go’doominta waxaa looga jawaabi doonaa go’doomin,” ayuu yiri.

Dowladda Yemen ee fadhigeedu yahay Cadan, oo ay taageerto Sacuudi Carabiya, ayaa sheegtay in weerarkii Isniinta lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Sanca uu ujeeddadiisu ahayd in laga hortago diyaarado ka imanaya Iiraan oo halkaas ka dega.

Muddo ka badan toban sano, dhammaan diyaaradaha gala hawada Yemen waxaa looga baahnaa inay oggolaansho ka helaan isbahaysiga militariga ee uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya.

Dowladda Yemen iyo xulafadeedu waxay ku eedeeyeen Xuuthiyiinta iyo Iiraan inay jebiyeen nidaamkaas iyagoo bilaabay duulimaadyo toos ah oo u dhexeeya Iiraan iyo Garoonka Diyaaradaha ee Sanca.