Madaxweyne Xasan Sheekh oo Doha u tagay tacsi ku aaddan geerida Amiirkii hore ee Qatar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Talaadada maanta gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo uu uga qaybgalayo munaasabadda tacsi ee loo sameeyay geerida Amiirkii hore ee Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al-Thaani.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Xamad ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka Qatar, Sheekh Maxamed Bin Cabdullaahi Bin Maxamed Al-Thaani, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qatar, Maxamed Axmed Sheekh Cali.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa xilli Qatar ay ka murugaysan tahay geerida Amiirkii hore ee dalkaasi, oo door weyn ku lahaa taariikhda siyaasadeed iyo horumarka Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu dowladda iyo shacabka Qatar u gudbiyo tacsi iyo murugo ku aaddan geerida marxuumka, isagoo muujinaya xiriirka dhow iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir laba geesood ah oo ku saleysan iskaashi dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, horumarinta iyo taageerada arrimaha bani’aadannimada.