Iran oo jawaab adag ka bixisay duqaymihii ugu dambeeyay ee Maraykanku la beegsaday

0

Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ayaa sii xoogeysatay, kaddib markii Iran ay sheegtay inay weerarro gantaallo ah ku qaaday saldhigyo ciidan oo Mareykanku ku leeyahay dalalka Baxreyn, Kuweyt, Cumaan iyo Urdun, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay jawaab ay ka bixisay duqeymihii ugu dambeeyay ee Mareykanku ka geystay koonfurta Iran.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyo laga maqlay magaalooyinka dekedaha ah ee Bandar Abbas, Sirik iyo Jask, iyo sidoo kale Jasiiradda Qeshm, xilli xiisaddu ay weli ka taagan tahay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz. Dowladda Iran ayaa sidoo kale sheegtay in ku dhowaad toban gantaal ay ku garaacday saldhigyada Maraykanka.

Mareykanka ayaa sheegay inuu maalin ka hor beegsaday ugu yaraan 140 badhtilmaameed oo ku yaalla gudaha Iran, halka Tehran ay sheegtay inay tallaabo aargoosi ah ka qaaday saldhigyo Mareykan ah oo ku yaalla dalal dhowr ah oo Khaliijka iyo Bariga Dhexe ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in marinka Hormuz uu weli furan yahay, balse Hay’adda Maamusha Marin-biyoodka Gacanka Faaris ee Iran ayaa ku adkaysatay inaan wax maraakiib ah loo oggolaan doonin inay maraan ilaa “xasillooni iyo deganaansho buuxa” laga soo celiyo.

Marinka Hormuz ayaa ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee dhoofinta shidaalka dunida, waxaana sii kordhaya walaaca caalamiga ah ee laga qabo in colaaddan ay saameyn ba’an ku yeelato amniga gobolka iyo isu socodka ganacsiga caalamiga ah.