Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa Arbacadii ku dartay nin Soomaali ah liiska dadka ugu doon-doonista badan ee dambiyada khiyaanada maaliyadeed ee Hay’adda Baarista Federaalka ee FBI-da.
Sida ay sheegtay FBI-du, Fahad Mohamed Nur ayaa lagu tuhunsan yahay inuu si sharci darro ah ku qaatay in ka badan 5 milyan oo doollar oo ka mid ahaa lacagihii loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta gobolka Minnesota.
Hay’addu waxay sheegtay in Fahad uu yahay muwaadin Maraykan ah oo jinsiyadda qaatay, isla markaana uu xiriir la leeyahay Soomaaliya. FBI-du waxay intaas ku dartay in la rumeysan yahay inuu haatan ku sugan yahay Soomaaliya.
Ku darista magaciisa liiska dadka ugu doon-doonista badan ee dambiyada khiyaanada ayaa qayb ka ah dadaallada ay Maraykanku ku baadi-goobayaan dadka looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida dowladda.
Patel wuxuu sheegay in laba qof oo liiskaas ku jiray toddobaadyadii la soo dhaafay lagu soo qabtay Soomaaliya iyo Filibiin, isagoo arrintaas ku tilmaamay guul laga gaaray dadaallada lagu baacsanayo dadka lagu eedeeyo khiyaanada maaliyadeed.
Wuxuu intaas ku daray in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaallada maamulka Madaxweyne Donald Trump iyo Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance ee lagu ciribtirayo musuqmaasuqa iyo khiyaanada lagu sameeyo barnaamijyada dowladda federaalka.











