Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad (MoU) oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo horumarinta dekadaha.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa soo dhaweeyay ansixinta Golaha Wasiirrada, isaga oo ku tilmaamay heshiiska tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka iyo ballaarinta iskaashiga Soomaaliya la leedahay dalalka gobolka iyo caalamka.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, heshiiska ayaa la filayaa inuu sare u qaado iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta dekadaha, is-weydaarsiga aqoonta iyo farsamada, tababarrada xirfadeed, iyo tayeynta hay’adaha ka shaqeeya gaadiidka badda.
Heshiiska ayaa sidoo kale taageeraya hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), iyadoo dowladda ay ku rajo weyn tahay inuu ka qeyb qaato horumarinta adeegyada dekedaha iyo kobcinta dhaqaalaha ku tiirsan badda.











