Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiiskii xabbad-joojinta ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran uu “dhammaaday”, isaga oo ku tilmaamay wada-hadallada Tehran “waqti lumis”.
Dhankeeda, Iran ayaa sheegtay inay ka aargoosatay weerarradaas, iyadoo ku dhawaaqday inay beegsatay 85 saldhig oo ciidan oo Maraykanku leeyahay, kuwaas oo ay sheegtay inay kaga jawaabayso duqaymihii lagu qaaday gobolka Hormozgan iyo magaalada dekedda leh ee Mahshahr. Isla markaana, seedhiga digniinta duqaymaha cirka ayaa laga maqlay dalalka Baxrayn iyo Kuweyt.
Sidoo kale, maamulka Trump ayaa laalay oggolaansho hore oo u saamaxayay Iran inay dhoofiso saliid iyadoo lagu salaynayo heshiis ku-meel-gaadh ah oo nabadeed oo Washington iyo Tehran kala saxeexdeen 17-kii Juun.
Dhanka kale, naxashka hoggaamiyihii sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, oo dhawaan la dilay, ayaa gaadhay magaalada Najaf ee dalka Ciraaq, halkaas oo ay ka bilaabmeen munaasabadaha aaskiisa.











