Weerarrada ay burcad-badeedda Soomaalidu ku qaadaan maraakiibta ganacsiga ee maraya Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas ayaa sii kordhaya, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO), iyadoo laga digay khatar sii kordheysa oo ku wajahan maraakiibta caalamiga ah.
Xoghayaha Guud ee IMO, Arsenio Dominguez, ayaa sheegay in 24 weerar iyo isku day weerar la diiwaangeliyay saddexdii bilood ee u dambeeyay, kuwaas oo ay ku jiraan falal burcad-badeednimo iyo dhac hubeysan. Wuxuu xusay in weerarradu ay noqdeen kuwo sii halis badan, iyadoo kooxaha burcad-badeeddu adeegsanayaan hub casri ah isla markaana ay kordheen rabshadaha ka dhanka ah badmaaxiinta.
Dominguez ayaa sidoo kale sheegay in markabka xamuulka qaada ee Lady Naeima, oo wata calanka Palau, Axaddii lagu weeraray Badda Cas, inkastoo uu sii watay safarkiisa shaqaalihiisuna ay badbaadeen. Sidoo kale, 2-dii Luulyo ayaa la sheegay in burcad-badeeddu isku dayeen inay weeraraan markabka MV Golden Arsenal, sida ay xaqiijiyeen Ciidanka Badda Hindiya.
IMO waxay sheegtay in 44 badmaax ay weli afduub ugu jiraan burcad-badeed Soomaaliyeed, kuwaas oo saaran saddex markab oo kala ah MT Honour 25, Eureka iyo Sward, kuwaas oo lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed intii u dhexeysay Abriil iyo May.
Hay’addu waxay sheegtay in badmaaxiintu ay la daalaa dhacayaan cunto iyo biyo yari, isla markaana ay wajahayaan khatar joogto ah oo rabshado ah.
Kororka weerarrada ayaa ku qasbay Xarunta Wadajirka ee Macluumaadka Badaha (JMIC) inay sare u qaaddo heerka khatarta amniga ee Gacanka Cadmeed, iyadoo sheegtay in toddobo dhacdo oo la xiriira burcad-badeednimo la diiwaangeliyay tan iyo 11-kii Juun.
Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaallanka burcad-badeedda, Operation Atalanta, ayaa sheegay in xaaladda amni darrada ee gobolka iyo xiisadaha ka taagan marin-biyoodka Hormuz ay abuureen fursad ay kooxaha burcad-badeeddu uga faa’iidaystaan mashquulka ciidamada caalamiga ah.
Dhanka kale, warbixinno ay soo saareen xarunta cilmi-baarista American Security Project iyo taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay sii xoogeysanayaan xiriirrada u dhexeeya burcad-badeedda Soomaalida iyo fallaagada Xuuthiyiinta Yemen.
Warbixinnadaasi waxay tilmaameen in iskaashigaasi uu sare u qaaday awoodda burcad-badeedda, isla markaana uu khatar ku yahay amniga maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodka Geeska Afrika.











