QM oo qiimeyn ku billowday saameynta go’aanka Mareykanka ee AUSSOM

1

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay waddo qiimeyn ku saabsan saameynta ka dhalan karta go’aanka Mareykanka ee lagu joojinayo taageerada saadka ee ay Qaramada Midoobay siiso Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), laga bilaabo sannadka 2027.

Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric, ayaa sheegay in hay’addu ay billowday wada-tashiyo gudaha ah, isla markaana ay xiriir la sameyneyso Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo qiimeeyo saameynta uu go’aankani ku yeelan karo howlgalka AUSSOM.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii dowladda Mareykanka ay si rasmi ah ugu wargelisay Qaramada Midoobay inay diidi doonto sii wadista maalgelinta taageerada saadka ee howlgalka AUSSOM, iyadoo ku doodaysa in qaabka maalgelinta hadda jira uusan sii ahaan karin mid dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba waara.

AUSSOM, oo ka kooban ku dhowaad 12 kun oo askari, ayaa si weyn ugu tiirsan adeegyada uu bixiyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kuwaas oo ay ku jiraan gaadiidka, shidaalka, raashinka, daaweynta iyo adeegyada caafimaadka.

Go’aanka Mareykanka ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo mustaqbalka howlgalka AUSSOM, kaas oo door muhiim ah ka qaata taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

addii aan la helin hannaan maalgelin oo beddela kan hadda jira ka hor inta uusan dhammaan, waxaa jirta cabsi laga qabo in howlgalka AUSSOM uu wajaho caqabado waaweyn oo dhanka dhaqaalaha, saadka iyo sii socoshada howlgalka ah, taasoo saameyn ku yeelan karta taageerada amni ee Soomaaliya.