Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Midowga Afrika oo kawada hadlay Doorashooyinka iyo maalgelinta AUSSOM

0

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Midowga Afrika, Selma Malika Haddadi, ayaa sheegtay inay kulan la yeelatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo wakiil ka ahayd Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Qoraal ay ku baahisay barta X, ayay ku xaqiijisay sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika taageeridda madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale adkaysay sii wadidda taageerada ay siiyaan dadaallada amniga iyo xasilloonida ee ay hoggaaminayaan Soomaalida.

Selma Malika Haddadi ayaa bogaadisay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxayna xustay guulaha ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen howlgalada ka dhanka ah kooxdaas.

Waxay sidoo kale soo dhoweysay dadaallada Madaxweynaha ee lagu horumarinayo wadahadal loo dhan yahay ka hor doorashooyinka madaxtinnimada ee soo socda, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray caqabadaha dhinaca maalgelinta ee howlgalka AUSSOM iyo muhiimadda ay leedahay in la helo xalal waara, la saadaalin karo, isla markaana ay wadaagaan dhammaan dhinacyada ay khusayso.

Selma Malika Haddadi ayaa ugu dambeyn xaqiijisay in Midowga Afrika uu sii wadi doono iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, isagoo fulinaya barnaamijyada Ajendaha 2063, oo ay ku jirto taageerada howlgalka AUSSOM, isla markaana uu garab istaagi doono Soomaaliya inta ay isu diyaarinayso doorashooyinka soo socda.