Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladda deegaanka Ari-Caddeeye ay haatan deggen tahay, isla markaana ay socdaan dadaallo iyo waanwaan lagu dejinayo xiisadda colaadeed ee ka dhalatay dagaal beeleed sababay dhimashada in ka badan 20 qof.
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha maamulka Waqooyi Bari, Cali Axmed Cali, ayaa sheegay in maamulka uu si dhow ula socdo xaaladda, isla markaana ciidamo iyo dadaallo dheeraad ah la geeyay deegaanka si loo sugo amniga.
“Waxaan u ballansaneyn inaan tii hore xallinno, laakiin qaddar ayaa dhacday,” ayuu yiri, isagoo tilmaamay in horey loo xalliyay khilaafkii dhulka balse ay mar kale dib u soo cusboonaatay xiisad kale.
Dagaalkan oo mar kale ka qarxay Ari-Caddeeye ayaa salka ku haya aano qabiil oo muddo dheer soo jiitamayay, kaas oo horey loo sheegay in heshiis laga gaaray, balse dib u soo noqday kadib dhacdo lagu beegsaday laba nin oo safar ahaa.
Isku dayo hore oo lagu doonayay in lagu xalliyo xiisadda ayaa lagu guuldarreystay, inkastoo odayaasha dhaqanka iyo culimada deegaanka ay marar kala duwan dhex-dhexaadin sameeyeen.
Suldaan Mustafe Maxamuud Aw-Seed oo ka mid ah salaadiinta dhaqanka deegaanka Aricaddeeye ee beesha Fiqishini ayaa sheegay in dadka ku dhintay dagaalka ay ku jiraan haween, carruur iyo waayeel, isagoo ku tilmaamay musiibo naxdin leh
“Sida aan warku ku hayo, 24 qof… ayaa ku dhintay,” ayuu yiri.
Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo kamid ah madax dhaqameedka beesha Dhulbahante ayaa isna sheegay in odayaasha dhaqanku ay ka argagaxeen tirada dadka lagu aasay deegaanka, isagoo ku baaqay in colaadda la joojiyo laguna laabto nabad.











