Isfaham hordhac ah oo laga gaaray wadahadallada doorashada Galmudug

0

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in isfaham hordhac ah laga gaaray wadaxaajoodyo maalmo socday oo u dhexeeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad.

Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, kulamada oo qabsoomay afar wareeg ayaa diiradda lagu saaray sidii heshiis looga gaari lahaa hannaanka doorashada Galmudug, gaar ahaan qorshaha ku saleysan nidaamka qof iyo cod.

Ilo wareedyo ku dhow wadahadallada ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku afgarteen qodobo muhiim ah oo lagu sii ambaqaadayo geeddi-socodka doorashada, iyadoo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu gaaro Dhuusamareeb si uu u dhammaystiro qodobada harsan loona shaaciyo heshiis rasmi ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa bartiisa Facebook ku ammaanay Madaxweyne Qoor Qoor, isagoo ku tilmaamay go’aannada uu qaatay kuwo “geesinimo leh” oo kor u qaadaya sumcadda iyo midnimada Galmudug. Waxa uu sidoo kale sheegay in u gudbidda nidaamka qof iyo cod ay shacabka siinayso fursad ay si toos ah uga qayb qaataan go’aaminta mustaqbalkooda siyaasadeed.

Cali Daahir Ciid ayaa intaas ku daray in dowladdii uu qaybta ka ahaa ay lixdii sano ee la soo dhaafay gaartay horumar muuqda, isagoo guulahaas ku sababeeyay wada-shaqeyn siyaasadeed iyo xasillooni ka hanaqaadday Galmudug.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdisamad Macalin Xasan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), isaga oo ku ammaanay kaalintiisa dhismaha dowlad-goboleedka Galmudug.

Xildhibaanku waxa uu sidoo kale si hordhac ah u soo dhoweeyay Liibaan Axmed Xasan oo uu ku tilmaamay hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, isaga oo u rajeeyay guul iyo in uu noqdo hoggaamiye lagu liibaana.

Hadalka Xildhibaanka ayaa banaanka keentay in Dowladda Madaxweyne Xasan Seekh ay ku guuleysatay in Musharaxoodi Xisbiga JSP ee Liibaan ugu dambeeyn la isla gartay inuu ka qeyb galo doorashada ayna dooneyso inuu noqdo qofka badalaya Axmed Qoor Qoor.