Dowladda Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ku heshiiyey qorshe lagu gaadhayo heshiis kama dambays ah muddo 60 maalmood gudahood ah, kadib wada-hadallo heer sare ah oo ka dhacay dalka Switzerland.
Wada-hadalladan ayaa imanaya xilli xiisad ka dhex aloosan tahay Maraykanka, Iiraan iyo Israa’iil. Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa hore ugu hanjabay inuu weerari doono Iiraan sababo la xidhiidha taageerada ay siiso ururka Hezbollah, hase yeeshee madaxa wafdiga wada-xaajoodka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa uga digay Washington inay taxaddar u yeelato hadalladeeda.
Dhanka kale, Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay sii joogi doonaan koonfurta Lubnaan inta ay lagama maarmaanka u arkaan, halka ururka Hezbollah uu ku hanjabay inuu ka hortagi doono jebin kasta oo lagu sameeyo xabbad-joojinta.
Dadaalladan diblomaasiyadeed ayaa loo arkaa isku day cusub oo lagu dejinayo xiisadaha Bariga Dhexe, iyadoo indhaha caalamku ay ku sii jeedaan natiijada wada-hadallada la filayo inay go’aamiyaan mustaqbalka xidhiidhka u dhexeeya Washington iyo Tehran.











