Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfurtay Shirka Wadatashiga Amniga ee labada heer ee dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.
Shirkan oo ah mid muhiim ah ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga, isku-duwidda iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga, si loo mideeyo dadaallada lagu sugayo amniga dalka.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo furay shirka, ayaa sheegay in wada-shaqeynta dhow ee dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ay tahay tiir muhiim u ah sugidda amniga iyo xaqiijinta xasillooni waarta oo dalka laga hirgeliyo.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Xasan Shire, ayaa sheegay in shirka uu yahay madal istiraatiiji ah oo lagu mideynayo aragtiyada iyo dadaallada amniga dalka, si loo helo hannaan amni oo isku xiran oo wax ka qaban kara baahiyaha jira.
Inta uu shirku socdo, waxaa lagu falanqeyn doonaa arrimo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka, hirgelinta qaab-dhismeedka amniga qaranka, horumarinta nidaamka booliiska cusub, maamulka xuduudaha, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heerarka kala duwan.











