Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay wararka sheegaya in maamulka Israa’iil uu xiriir la sameynayo maamulka gooni u goosadka ah ee gobolada waqooyi ee Soomaaliya, iyada oo aan loo marin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warse xaafadeed kasoo kaxay wasaaradda arrimaha dibada ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u aragto xiriir kasta oo noocaas ah inuu yahay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda, midnimadeeda, wadajirka dhulkeeda, iyo nidaamkeeda dastuuriga ah.
Wasaaraddu Arrimaha Dibadda waxay adkeynaysaa in xiriir kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed ama nooc kasta oo kale ah oo lala yeesho maamulka gooni u goosadka ah, iyadoo la hareer marayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, uu ka hor imanayo sharciga caalamiga ah isla markaana aanu lahayn wax sharciyad ama miisaan siyaasadeed ah.
Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan saaxiibbada caalamiga ah inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah, ixtiraamaan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana cambaareeyaan tallaabooyinka wiiqaya midnimada iyo xasilloonida dowladda Soomaaliyeed.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka ah, iyada oo adeegsanaysa waddooyin diblomaasiyadeed, sharci iyo habab kale oo ku habboon, si ay u difaacdo madaxbannaanideeda, wadajirka dhulkeeda iyo midnimada qarankeeda.
Hase yeeshee, ma aqbali doonto tallaabo kasta oo ku xadgudbaysa madaxbannaanideeda ama halis gelinaysa midnimada shacabka Soomaaliyeed.











