Waxaa markale cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa maamulka Galmudug iyo Villa Soomaaliya, iyadoo khilaaf xooggan uu ka taagan yahay qaabka loo wajahayo doorashada maamulkaasi.
Masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay faragelin siyaasadeed iyo cadaadis lagu saarayo maamulka, halka Villa Soomaaliya ay sheegtay inay ka shaqeynayso mideynta iyo xasilloonida dalka.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo markiisii labaad xilka u taagan, ayaa toddobaadyadii dambe dadaal xooggan ugu jiray sidii uu xubno ugu yeelan lahaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, arrintaas oo la fahamsan yahay inay Villa Soomaaliya ka biyo diidan tahay.
Qaab dhismeedka guddiga doorashada ayaa noqday caqabadda ugu weyn ee hareysay doorashada Galmudug, iyadoo dhinacyadu si weyn ugu kala aragti duwan yihiin cidda maamuleysa hanaanka doorashada.
Wararka laga helayo kulankaasi ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku fahmeen arrimo la xiriira doorashada Galmudug iyo jihada siyaasadeed ee maamulkaasi.
Mahad Salaad ayaa reportedly sheegay inuusan jirin khilaaf gaar ah oo kala dhexeeya Liibaan Axmed, islamarkaana laga gudbayo dhacdooyinkii hore.
Isku soo dhowaanshahan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mahad Salaad ay wada-hadal gaar ah ka yeesheen xaaladda Galmudug, islamarkaana ay isku fahmeen arrimaha doorashada maamulkaasi.











