FIFA oo Mushaharka Buuxa Siinaysa Garsoore Cumar Cartan Inkastoo Laga Reebay Koobka Adduunka

0

Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) ayaa go’aamiyay in garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan uu heli doono lacagta buuxda ee loogu talagalay garsoorayaasha Koobka Adduunka 2026, inkastoo uu ka baaqday ka qeybgalka tartanka kadib markii loo diiday gelitaanka Mareykanka.

Mareykan ah ayaa sheegay in diidmada lagu saleeyay eedeymo la xiriira xiriir la tuhunsan yahay oo uu la leeyahay xubno ka tirsan ururro argagixiso, eedeyn uu si cad u beeniyay garsooraha Soomaaliyeed.

“Waxaan watay dhammaan dukumiintiyadii saxda ahaa iyo fiisihii loo baahnaa. Anigu waxaan ahay garsoore doonaya inuu rumoobiyo riyadiisa ugu weyn ee ah ka qeybgalka Koobka Adduunka,” ayuu yiri Garsoore Cumar Cartan.

Kadib markii dib loogu celiyay Turkiga, FIFA ayaa ka taageertay tegitaanka magaalada Istanbul, halkaas oo uu uga soo gudbay magaalada Muqdisho.

Warar ay heshay BBC Sport ayaa sheegaya in FIFA ay xaqiijisay in Cumar Cartan la siin doono mushaharka buuxa ee tartanka, inkastoo uusan wax kulan ah dhex dhexaadin doonin Koobka Adduunka.

Cumar Cartan, oo loo magacaabay Garsooraha Sanadka ee Afrika sannadkii 2025, ayaa sidoo kale loo xushay inuu dhex dhexaadiyo ciyaarta UEFA Super Cup ee dhex mari doonta Paris Saint-Germain iyo Aston Villa bisha Agoosto ee sanadkan.

Garsooraha 34 jirka ah ayaa sheegay inuu weli ku riyoonayo inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka 2030, isagoo uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen.