Madaxweynaha Somaliland oo beri tagaya Wadanka Israa’iil

0

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), uu maalinta Axadda ah ee 14-ka Juun booqasho rasmi ah ku tagi doono dalka Israa’iil.

Jariidadda i24News ayaa qortay in Madaxweyne Ciro uu booqan doono xarunta Yad Vashem oo ah goobta lagu xasuusto dadkii Yuhuudda ahaa ee lagu laayey xasuuqii Holocaust-ka intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Wararka ayaa sheegaya in booqashada Madaxweynaha Somaliland ay ku jiri doonto dalxiis uu ku mari doono Matxafka Taariikhda Holocaust-ka, Xarunta Xusuusta Carruurta, Buugga Magacyada Dhibbanayaasha iyo munaasabad xus ah oo lagu qaban doono Hoolka Xusuusta.

Guddoomiyaha xarunta Yad Vashem, Dani Dayan, ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland ku wehliyo dhammaan qaybaha booqashadiisa.

Sidoo kale, warbaahinta gudaha Israa’iil ayaa sheegtay in safarkan uu noqon doono booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro ku tago Israa’iil tan iyo markii uu xilka qabtay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira iskaashi diblumaasiyadeed, amni iyo horumarinta dhinacyo kala duwan, iyadoo la filayo in heshiisyo cusub la kala saxiixdo.

Illaa iyo hadda, Somaliland iyo Israa’iil si rasmi ah ugama aysan hadlin wararka la xiriira heshiisyada la sheegay in labada dhinac ay kala saxiixan doonaan.