Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay hadal uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku sheegay in muddo 35 sano ah ay isku dayayeen in arrinta Somaliland lagu dhammeeyo wada-hadal, isla markaana ay awood u lahaayeen inay xoog adeegsadaan, balse ay doorbideen wada-xaajood.
Batuun ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dunida u sheegay inuu diyaar u yahay dagaal, halka Somaliland ay astaan u tahay xasillooni, wadajir, nabadgalyo, doorasho iyo dimuqraadiyad. Waxa uu intaas ku daray in Somaliland aanay indhaha ka qarsan doonin wax kasta oo ay u aragto dhagar lagu daadinayo dhiigga shacabkeeda.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Somaliland ay diyaar u yihiin difaaceeda, isla markaana xukuumadda, madaxweynaha iyo shacabka Somaliland ay isku mowqif ka yihiin ilaalinta sharafta iyo amniga Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Dawan TV ayaa sheegay in muddo 35 sano ah aan lagu guulaysan in Somaliland lagu soo celiyo wada-hadal, inkasta oo, sida uu sheegay, ay suurtagal ahayd in xoog la adeegsado, balse ay doorbideen in marka hore la tijaabiyo waddada wada-xaajoodka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale wax aan la aqbali karin ku tilmaamay xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, isaga oo sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu yahay dabin loo dhigay shacabka Somaliland.











