Madaxweyne Xasan Sheekh: Wararka been-abuurka ah waxay dhaawacayaan sumcadda Soomaaliya iyo maalgashiga dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in faafinta sawirro iyo muuqaallo hore oo la xiriira dagaallo iyo masiibooyin dhacay xilliyo kala duwan ay si weyn u dhaawaceyso sumcadda Soomaaliya, isla markaana ay saameyn ku yeelan karto kalsoonida maalgashadayaasha iyo fursadaha dhaqaale ee dalka.

Khudbad uu xalay ka jeediyay magaalada Jowhar, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in dhacdo kasta oo amni oo yar kadib ay jiraan dad baraha bulshada ku faafiya muuqaallo iyo sawirro hore, iyagoo u bandhigaya sidii inay yihiin dhacdooyin cusub oo ka dhacay magaalada Muqdisho, taasoo uu ku tilmaamay arrin wax u dhimaysa dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in buunbuuninta xaaladaha amniga ay keeni karto in ay yaraato kalsoonida lagu qabo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maalgashiga iyo horumarka dhaqaalaha, isagoo xusay in dadka doonaya inay dalka maalgashadaan ay ka niyad jabi karaan sawirrada iyo wararka aan xaqiiqda ku salaysnayn ee lagu faafiyo warbaahinta iyo baraha bulshada.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in danaha guud laga hormariyo kuwa gaarka ah, isaga oo sheegay in horumarka Soomaaliya uu ku xirnaan doono wadajir iyo in bulshada ay ka shaqeyso maslaxadda guud ee dalka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa difaacay iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya la leedahay dowladda Turkey, isagoo sheegay in khayraadka dalka la horumarin doono, isla markaana Soomaaliya ay diyaar u tahay inay la shaqeyso cid kasta oo dan wadaag iyo iskaashi la leh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka jawaabay dhaliilo ku saabsan heshiisyada khayraadka badda, isaga oo xusay xiriirka dhow ee Soomaaliya iyo Turkiga, kuna tilmaamay Ankara saaxiib muddo dheer garab taagnaa Soomaaliya xilliyo kala duwan.