Garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalami, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa markale taariikh cusub u dhigay Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika, kadib markii loo magacaabay inuu dhex-dhexaadiyo kulanka UEFA Super Cup 2026, oo la qorsheeyay inuu 12-ka Agoosto ka dhaco magaalada Salzburg ee dalka Austria.
Kulankan oo ka tirsan tartamada ugu sarreeya kubadda cagta Yurub ayaa dhex mari doona kooxda ku guuleysatay tartanka UEFA Champions League ee Paris Saint-Germain iyo kooxda hanatay UEFA Europa League ee Aston Villa.
Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Yurub (UEFA), Aleksander Čeferin, ayaa sheegay in Cumar Cartan uu yahay garsoore leh karti, xirfad iyo khibrad sare, inkastoo uu weli da’yar yahay marka loo eego qaar ka mid ah garsoorayaasha heerkan ka shaqeeya.
“Cumar Cartan wuxuu muujiyay hufnaan, daacadnimo iyo xirfad sare oo ka dhigtay inuu mudan yahay fursaddan muhiimka ah,” ayuu yiri Madaxweynaha UEFA.
Dhankiisa, Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), Dr. Patrice Motsepe, ayaa ku tilmaamay magacaabistan mid sharaf weyn u ah Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika.
“Magacaabista Cumar Cartan waxay caddeyn u tahay horumarka ay sameynayaan garsoorayaasha Afrika. Waa tusaale muujinaya in kartida iyo dadaalka ay gaarsiin karaan heerarka ugu sarreeya ee kubadda cagta caalamka,” ayuu yiri Motsepe.











