Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in maamulka Puntland aanu oggolaan doonin abaabul ciidan ama shirar uu ku tilmaamay kuwo lagu carqaladaynayo amniga iyo dawladnimada deegaannada Puntland.
“Siyaasigu wuu imaan karaa, wuu hadli karaa, waana la is mucaaradi karaa, balse ma oggolaanayno in shirar lagu burburinayo dawladnimada ama ciidamo looga qoro Puntland gudaheeda,” ayuu yiri Lugatoor.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Puntland uu masuuliyad iska saarayo ilaalinta amniga iyo kala dambaynta, isaga oo xusay in casharro laga bartay dhacdooyin hore oo, sida uu sheegay, horseeday amni-darro iyo qalalaase.
Hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya iyadoo wasiir ku xigeenka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiqafaar Xaange uu sheegay in ay dowladda Federaalka diyaar u tahay meel kaste oo kamid ah Puntland inay ka qorato ciidamo, isagoo sheegay qabaailada Puntland inay diyaar u yihiin in ciidamo loo qoro.











