Shariif Xasan oo qaadacay doorashada Koonfur Galbeed: “Ballantii waa noogala baxay”

4

Musharraxa xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ku dhawaaqay inuu ka haray doorashada maanta ka socota magaalada Baydhabo, isagoo ku eedeeyay guddiga doorashada iyo masuuliyiinta maamulka inay jebiyeen heshiisyo hore loogu wada gaaray habraaca doorashada.

Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu Shariif Xasan ku sheegay in dhinacyadu hore ugu heshiiyeen in xildhibaannada laga reebo taleefannada gacanta inta ay socoto doorashada, si loo ilaaliyo hufnaanta iyo madax-bannaanida codbixinta.

“Ballantii waa noogala baxay. Waxaan ku heshiinnay aniga, guddiga iyo ku-simaha madaxweynaha in taleefannada laga reebo hoolka doorashada, balse maanta waxaa naloo sheegay in xildhibaan walba uu taleefankiisa la geli karo gudaha,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in xildhibaannada qaarkood ay wataan laba-laba taleefan, taasoo uu ku tilmaamay arrin muujinaysa in la jebiyay heshiiskii lagu waday in doorashadu ku dhacdo.

“Markii heshiiskii laga baxay, annigana doorashada waan ka haray. Tani doorasho ma aha. Haddii xitaa waraaqihii lagu heshiiyay ee la wada saxiixay la jebiyay, maxaa lagu aamini karaa natiijada kasoo baxda?” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay in hoolka doorashada ay ku sugnaayeen oo keliya musharrax Sheekh Aadan Madoobe iyo xubno taageersan, isagoo tilmaamay in geeddi-socodka doorashadu uusan u muuqan mid loo wada siman yahay.