Ruto: Xadka Soomaaliya iyo Kenya wuxuu u xiran yahay Sababo Amni iyo Siyaasad

0

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya uu sii xirnaan doono illaa laga helo xal waara oo lagu dheellitiro amniga iyo ganacsiga.

Wareysi uu siiyay suxufiyiin ka tirsan waqooyiga Kenya ayuu Ruto ku sheegay in dib u furista xadka ay caqabad ku yihiin arrimo amni, khasaare dhaqaale oo ka dhashay ilaalinta xuduudda, iyo sidoo kale xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Waxaa jira dheelitir adag oo u dhexeeya amniga iyo ganacsiga, waana in labadaba la ilaaliyaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya, isagoo xusay in dowladdiisu ay ku bixisay kharash badan sugidda amniga xadka iyo howlgalada ka socda gudaha Soomaaliya.

Ruto ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamo Kenyan ah ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya si ay uga qayb qaataan la dagaallanka kooxaha hubeysan, taasoo uu sheegay inay qeyb ka tahay sugidda amniga dalka Kenya.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in aan weli la helin hannaan deggan oo maaliyadeed oo ay taageerayaan beesha caalamka si loo sii wado howlaha amniga Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay dib u dhigtay qorshihii dib u furista xadka.

Sidoo kale wuxuu xusay in kala qeybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya ay adkaysay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo wada shaqeynta gobolka.

Dhanka kale, Ruto ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ganacsiga xuduudaha iyo iskaashiga gobolka, isagoo xusay ururrada sida East African Community, COMESA iyo African Continental Free Trade Area kuwaas oo ujeeddadoodu tahay fududeynta ganacsiga iyo yaraynta caqabadaha xuduudaha.

“Ganacsigu waa wax faa’iido u leh dhammaan dalalka, waana sababta aan u dooneyno in aan yareyno caqabadaha ganacsiga,” ayuu yiri.

Ruto ayaa ugu dambeyn sheegay in Kenya ay weli qiimeyneyso fursadaha dib loogu furi karo xadka Soomaaliya, balse ay muhiim tahay in la ilaaliyo isu dheellitirka amniga iyo dhaqaalaha.