Beesha Caalamka oo Walaac xoogan ka muujisay xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya

1

Beesha caalamka ayaa muujisay walaac ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in dhinacyada dowladda iyo Mucaaradka ay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada hadallada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Maanta ayay saaxiibada Soomaaliya ku sheegeen inay diyaar u yihiin inay taageeraan, islamarkaana ay dhex-dhexaadiyaan wada hadallada haddii loo baahdo, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la helo heshiis u adeegaya danaha shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu bilaabaan wada hadallada, isla markaana ay si degdeg ah is-afgarad uga gaaraan hannaanka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladaha Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta sii kororka xiisadaha siyaasadeed xilli ay ku tilmaameen marxaladda xasaasiga ah ee uu dalka marayo hadda mid aan la aqbali karin.

Bayaanka waxaa soo saarey Midowga Yurub, QM, Austria, Belgium, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Poland, Spain, Sweden, Switzerland iyo Ingiriiska.

Baaqan ayaa imanaya iyadoo ay mucaaradka qorsheynayaan inay 4ta bishan qabtaan banaanbax ballaaran, xili ay sii kordhayaan muranka siyaasadeed ee la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya iyo khilaafaadka u dhexeeya dhinacyada siyaasadda ee ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.