Dowladda Soomaaliya oo Beenisay in Safiirkeeda Kenya loo yeeray ka dib Shir uu kala Qaybgalay Safiirka Israa’iil

1

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar sheegayay in loo yeeray safiirkeeda dalka Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, kadib markii uu ka qaybgalay shir ganacsi iyo beeraha la xidhiidha oo lagu qabtay magaalada Nayroobi, kaas oo uu daahfuray safiirka Israa’iil ee Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, ayaa warbaahinta Dawan Africa u sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga warqabtay ka qaybgalka safiirka ee shirkii 6-aad ee Avocado Africa Expo & Congress 2026, isla markaana ayna jirin wax khalad ah oo uu galay safiirku. Wasiirku wuxuu sheegay in wararka sheegaya in safiirka loo yeedhay ama tallaabo laga qaaday ay yihiin kuwo aan sax ahayn.

Muranka ayaa dhashay kadib markii Safaaradda Israa’iil ee Kenya ay baahisay qoraal ay ku sheegtay in safiirkeeda, Gideon Behar, uu furay shirka Avocado Africa 2026, arrintaas oo dhalisay hadal-heyn ku saabsan joogitaanka wakiillo ka socday Soomaaliya iyo Israa’iil hal madal.

Safiir Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa isaguna sheegay in ka qaybgalka Soomaaliya uu qeyb ka ahaa dadaallada diblomaasiyadda dhaqaalaha, isaga oo xusay in ujeeddadiisu ahayd soo bandhigista fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in khudbaddiisa uu diiradda ku saaray horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, fursadaha ka jira beeraha, kalluumeysiga, dekedaha, tamarta iyo maalgeshiga ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Dhankeeda, Safaaradda Israa’iil ee Kenya ayaa sheegtay in shirku muujinayo iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Kenya iyo Israa’iil ee dhinaca beeraha, gaar ahaan silsiladda wax-soo-saarka afakaadhada.
Waxa ay intaas ku dartay in Israa’iil door muuqda ku lahayd horumarinta farsamooyinka casriga ah ee beerashada afakaadhada iyo kobcinta suuqyada caalamiga ah ee dalaggaasi.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta ayaa muujiyay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyo Safiirka Israa’iil ee Kenya, Gideon Behar, oo wada taagan intii uu socday shirku.

Muuqaalka labada safiir ayaa soo jiitay indhaha dad badan maadaama uu kusoo beegmay xilli xidhiidhka u dhexeeya Soomaaliya iyo Israa’iil uu marayo heerkii ugu xumaa sannadihii u dambeeyay, kadib markii Dowlada Soomaaliya ay ka hor timid aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland.