Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Baydhabo kulan amni kula yeeshay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada Koonfur Galbeed iyo hay’adaha sirdoonka, isagoo ka dhegaystay warbixin ku saabsnayd xaaladda amni ee magaalada kadib dagaal halkaas ka dhacay shalay.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galayTaliye Ku-xigeenka Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gashaanle Isaaq Berdaale, iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Macallin Saalax Cabdinuur Cali.
Saraakiisha ayaa Guddoomiyaha la wadaagay warbixin ku saabsan howlgal amni oo lagu soo afjaray rabshad hubeysan oo ay geysteen sida ay sheegeen maleeshiyaad aan ka tirsanayn ciidamada Koonfur Galbeed. Ciidamada ammaanka ayaa qaaday tallaabooyin degdeg ah oo lagu xakameeyay xaaladda, laguna soo celiyay amniga iyo kala dambeynta magaalada Baydhabo.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay ciidamada iyo hay’adaha sirdoonka doorkii ay ka qaateen sugidda amniga, isagoo ku ammaanay wada shaqeynta iyo dadaalka ay muujiyeen.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta sharciga, nabadda iyo badbaadada shacabka ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka, wuxuuna ku boorriyay hay’adaha amniga inay sii xoojiyaan feejignaanta si loo ilaaliyo nabadda ka jirta Baydhabo.











