Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa ku dhawaaqay inuu u safrayo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo si uu u hoggaamiyo dadaallada lagula tacaalayo dillaac cusub oo uu sameeyay cudurka halista ah ee Ebola.
Tedros ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku xaqiijiyay in cudurka Ebola uu dib uga soo muuqday dalka Congo, isagoo sheegay in WHO ay xoojin doonto taageerada ay siiso dowladda iyo shaqaalaha caafimaadka ee ku howlan xakamaynta cudurka.
“Ebola way soo noqotay. Waxaan garab istaagi doonaa kooxahayaga WHO, la-hawlgalayaasha iyo shaqaalaha caafimaadka ee aan daalka aqoon. Waxaan rabaa inaan idinla joogo waqtigan adag, waxaana rabaa inaad ogaataan inaadan kaligiin ahayn,” ayuu yiri Tedros.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Congo, tirada kiisaska cudurka ayaa gaartay:
1,077 kiis oo looga shakisan yahay Ebola, 121 kiis oo si rasmi ah loo xaqiijiyay iyo 17 qof oo u geeriyooday cudurka tan iyo markii la shaaciyay dillaaca 15-kii May
Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa muujiyay kalsooni ku aaddan in Congo ay markale ka guuleysan doonto cudurka, isagoo xusay in dalkaasi horey uga adkaaday Ebola 16 jeer.
“Lix iyo toban jeer oo hore Congo way ka adkaatay Ebola, markanna way ka adkaan doontaa. Laakiin waxaa muhiim ah inaan hadda tallaabo qaadno annagoo mideysan,” ayuu yiri.











