Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaarisay qorshe qaran oo looga hortagayo cudurka Ebola, kadib kulan heer sare ah oo lagu qabtay Xarunta Qaran ee Howl-gallada Degdegga ah ee Caafimaadka Guud, iyadoo la adkeeyay feejignaanta caafimaad ee dalka xilli cudurka laga soo sheegay qaar kamid ah waddamada Afrika.
War-saxaafadeed laga soo saaray shirka ayaa lagu sheegay in ilaa hadda aan Soomaaliya laga xaqiijin wax kiis ah oo cudurka Ebola ah, balse dowladda ay sare u qaaday heerka feejignaanta sababo la xiriira dhaq-dhaqaaqa socdaalka iyo duulimaadyada ka imanaya dalalka deriska, gaar ahaan Uganda iyo Kenya.
“Wasaaradda Caafimaadka waxay caddeyneysaa in aan illaa hadda dalka laga diiwaangelin wax kiis Ebola ah, hase yeeshee diyaar-garowga iyo wada-shaqeynta dhow waa lama huraan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Qodobada ugu muhiimsan ee kasoo baxay kulanka waxaa kamid ahaa in la xoojiyo diyaar-garowga qaranka, in si degdeg ah loo howlgeliyo kooxda maareynta xaaladaha caafimaad ee degdegga ah, iyo in la adkeeyo baaritaannada caafimaad ee meelaha laga soo galo dalka.











