Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay eedeysane lagu tuhunsan yahay dil ka dhacay gobolka Hiiraan

2

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan waaxda dambi-baarista ee CID, ayaa sheegtay inay gacanta kusoo dhigeen eedeysane lagu magacaabo Cabdifitaax Shaafici Daahir, kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa dil iyo dhaawac ka dhacay gobolka Hiiraan.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay laamaha ammaanka, eedeysanaha ayaa si arxan darro ah u geystay dilka marxuum Cali Faarax Daahir Wabi oo 60 jir ahaa, halka uu sidoo kale dhaawacay Cabdi Jimcaale Garood.

Falkaasi ayaa la sheegay inuu ka dhacay degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, 20-kii May 2026.

“Eedeysanahaan Gacanku dhiiglaha ah wuxuu si arxan daro ah u dilay Marxuum Cali Faarax Daahir Wabi oo 60 jir ah wuxuu Sidoo kale Dhaawacay Dhibane Cabdi Jimcaale Garood dilka iyo dhaawaca wuxuu ka dhacay degmada halgen ee Gobolka Hiiraan Taariikhda Markay aheyd 20-05-2026” ayaa lagu yiri Bayaanka Booliska.

Booliiska ayaa sheegay in eedeysanuhu uu ka baxsaday gobolka Hiiraan kadib markii falka uu dhacay, balse ciidamada CID-da ay bilaabeen howlgal lagu baadi-goobayay.

Ugu dambeyn, ciidamada ayaa ku qabtay deegaanka Ceelmacaan xilli uu si dhuumaaleysi ah ugu safrayay gaari, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.