Erdoğan: Turkigu Wuxuu Rajeynayaa inuu 9 Bilood Gudahood Kusoo Gabagabeeyo Qodista Shidaalka ee Xeebaha Soomaaliya

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dowladda Turkigu ay rajeynayso inay lix illaa sagaal bilood gudahood kusoo gabagabeyso howlgalka qodista shidaalka ee ka socda biyaha Soomaaliya, haddii ay saamaxaan xaaladaha cimilada iyo hawadu.

Erdoğan ayaa tilmaamay in howlgalkaasi uu leeyahay “muhiimad taariikhi ah,” maadaama uu yahay baaritaankii ugu horreeyay ee qodis badeed qoto dheer ah oo Turkigu ka fuliyo meel ka baxsan dalkiisa.

“Waxaan rajeyneynaa inaan shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo muddo dheer la daalaa dhacayay xasillooni darro gudaha ah iyo macluul, gaarsiinno war wanaagsan oo ay muddo sugayeen,” ayuu yiri Erdoğan intii uu ka hadlayay munaasabad rasmi ah oo ka dhacday Ankara.

Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa kusoo aadaya iyadoo Ankara iyo Muqdisho ay sii xoojinayaan iskaashiga dhinacyada tamarta, amniga iyo dhaqaalaha, kadib heshiisyo dhowaan dhexmaray labada dowladood oo la xiriira baaritaanka khayraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ku jira xeebaha Soomaaliya.

Turkiga ayaa sanadihii lasoo dhaafay si weyn u ballaariyay saameyntiisa Soomaaliya, isagoo maalgashi ku sameeyay mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo tababarka ciidamada ammaanka Soomaaliya.