Loolanka Siyaasadeed ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo galay weji cusub

0

Madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaaday, Xasan Sheekh Maxamuud, oo kasoo laabtay shirkii dowladda iyo mucaaradka ee fashilmay, ayaa xalay khudbad uu jeediyey markii ugu horreysay ku sheegay in muddo xileedkiisa lagu kordhiyey hal sano, islamarkaana uu sii soconayo illaa 15-ka May 2027.

Dhanka kale, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay kulan ay mucaaradku ku qabteen Muqdisho laguna xusayey maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, ayaa si adag ugu jawaabay Xasan Sheekh isagoo yiri:

“Waxaad tahay madaxweyne hore, waxaadna joogtaa meeshii aad ku dhaman lahayd.”

Hadalkan ayaa si weyn u muujiyey sii xoogeysiga khilaafka siyaasadeed ee labada madaxweyne.

Warar ay heshay Risaala TV kana soo xigtay ilo ku dhow madaxtooyada iyo qaybaha ammaanka dowladda ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu aaminsan yahay in Shariif Sheekh Axmed yahay shakhsiga ugu weyn ee hortaagan qorshihiisa muddo kororsiga iyo dib ugu soo laabashada talada dalka.

Sida xogaha lagu helay, afartii sano ee lasoo dhaafay waxaa jiray tallaabooyin muujinaya loollanka siyaasadeed ee labada dhinac, waxaana kamid ahaa:

1. Saraakiil badan oo kasoo jeeda beesha madaxweyne Shariif ayaa laga qaaday xilalkii ay hayeen, halka qaar kalena loo wareejiyey xilal hoose ama laga fogeeyey Muqdisho.

2. Madaxtooyada gudaheeda waxaa laga saaray askar iyo saraakiil ku beel ah madaxweyne Shariif laguna tuhmayey inay xiriir dhow la leeyihiin Shariif Sheekh Axmed, si looga hortago gudbinta xogaha gudaha iyo kala safashada haddii xaaladdu isku beddesho isku dhac siyaasadeed.

3. Ammaanka madaxtooyada ayaa lagu wareejiyey ciidamo iyo saraakiil beesha hoose ee madaxweynaha ah kuwaas la tababaray lana qalabeeyey muddada uu Xasan Sheekh xilka hayey.

Sidoo kale, banaanbixii dhacay 10-kii May ayaa muujiyey heerka walaaca siyaasadeed ee jira, kadib markii ciidamo badan la geeyey agagaarka hoyga Shariif Sheekh Axmed, arrintaas oo loo fasirtay fariin siyaasadeed iyo cabsi laga qabo dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka.

Xogaha ay heshay Risaala TV waxay sidoo kale tilmaamayaan in mucaaradku ay dib u eegis ku sameyeen qaabkii loo wajahay banaanbixii 10-ka May, gaar ahaan Shariif Sheekh Axmed ayna diyaariyeen qorshayaal cusub oo looga hortagayo muddo kororsi iyo doorasho hal dhinac lagu maamulo.

Khilaafka u dhexeeya labada madaxweyne ayaa hadda galay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu sii hurto haddii aan xal siyaasadeed oo wada oggol ah laga gaarin muranka doorashooyinka iyo awood qaybsiga dalka.