Isbahaysi siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin toddobo urur siyaasadeed ayaa magaalada Baydhabo ku gaaray heshiis ay ku taageerayaan Musharraxa Madaxweynaha ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Madoobe inuu noqdo musharraxa ay u xusheen xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyeyaasha isbahaysiga ayaa sheegay in musharraxa JSP uu helay taageerada aqlabiyadda ururradii siyaasadeed ee ka qayb galay geeddi-socodka doorashooyinka Koonfur Galbeed, iyagoo tilmaamay in taageeradaas ay si toos ah ugu wareegtay Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
“Dimuqraadiyadda sida ay qabto, shuruucdeenna iyo dastuurkeenna, aqlabiyadda ayaa wax xukunta,” ayaa warsaxaafadeed kasoo baxay heshiiska ururadan, iyagoo intaas ku daray in ururrada heshiiska gaaray ay matalaan in ka badan 140,000 oo cod-bixiyeyaal ah oo kasoo kala jeeda gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.











