Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in muddo xileedka dowladda federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah ku eg yahay 15-ka May 2027, isagoo xusay in arrintaas ay waafaqsan tahay dastuurka cusub ee la dhaqan geliyay, isla markaana aysan ahayn go’aan uu isagu gaar u qaatay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa difaacay isbeddellada dastuurka iyo qorshaha doorashooyinka qof iyo cod, isagoo sheegay in dowladda ay fulineyso ballanqaadyadii ay hore ugu sheegtay shacabka, sida dhameystirka dastuurka, hirgelinta xisbiyada siyaasadeed iyo ka guurista nidaamka doorashooyinka dadban.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dib u dhiska hay’adaha dowladda, xiriirka caalamiga ah iyo ka bixitaanka go’doomintii caalamiga ahayd, isagoo tusaale u soo qaatay ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dib u soo kabashada bangiga dhexe ee dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhaliilay siyaasiyiinta kasoo horjeeda nidaamka doorashada qof iyo codka, isagoo sheegay in qaar ka mid ah ay doonayaan in dalka lagu sii hayo nidaamkii hore ee 4.5 iyo doorashooyinka dadban, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo horseeday qalalaase iyo dhiig daata.











